Hargeysa,(Qaran news)- Musharaxa xisbiga Waddani Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa laba todobaad ka hor isaga oo kaftamaaya sheegay xaga uu isagu ku dhashay. Waxana uu Cirro xiligaas sheegay in uu ku dhashay Cisbatalka magaaladda Hargeysa ee caasimadda Somaliland, waxana uu hadalkiisa raaciyay in aan la garanayn xaga uu Muuse Biixi uu ku dhashay.
Hadaba waxa kuu cad in tuuryadaas Cirro gaadhay meel fog, waxana isla su’aashii Cirro lagu soo daray imtixaanada dugsiyadda oo hada ka socda dalka oo dhan. Waxana la waydiiyay ardayda halka uu Muuse Biixi ku dhashay sida ku cad warqada imtixaanka ee hoos taala waxan uu arday ka mid ah ardaydii imtaxaanka galay
uu su’aashaasi kaga jawaabay in uu Muuse Biixi Cabdi uu ku dhashay Xarshin oo ah dawlad deegaanka Somaalida Itoobiya.