Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo walaac qoto dheer ka muujiyay xiisadda sii kordhaysa ee u dhaxaysa Mareykanka iyo Iiraan.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa muujiyay walaac xooggan oo ku saabsan sii kordhaya xiisadda u dhexeysa Iran iyo Mareykanka.
Afhayeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Stephane Dujarric, ayaa sheegay in Antonio Guterres uu si weyn uga walaacsan yahay xaaladda sii xumaanaysa ee u dhexeysa Mareykanka iyo Iran.
“Dib ugu laabashada dagaal buuxa waxay shacabka rayidka ah ku keeni doontaa dhibaato aan la qaadi karin,” ayuu yiri Dujarric.
Wuxuu intaas ku daray in “dagaalka noocaas ahi uu yeelan doono cawaaqib aad u daran oo ku wajahan nabadda iyo amniga caalamka, iyo sidoo kale dhaqaalaha dunida.”





