Aqoonsiga Somaliland: Isbeddelka Cusub ee Siyaasadda Caalamka iyo Mustaqbalka Geeska Afrika”


Arrinta aqoonsiga Somaliland waxay mar kale noqotay mid si xooggan u gilgishay miiska siyaasadda caalamiga ah, kaddib tallaabooyin diblomaasiyadeed oo muujinaya isbeddel cusub oo ku yimid habka ay beesha caalamku u wajahdo Geeska Afrika. Si kastaba ha ahaatee, doodda maanta taagan ma aha mid ku saabsan abuurista dowlad cusub, balse waxay ku saabsan tahay sida Somaliland dib u hanan doonto ama dib ugu heli doonto aqoonsigii ay hore u heshay 26-kii Juun 1960.

Sidaa darteed, falanqeyntani waxay ka duuleysaa aragti ah in kiiska Somaliland uu yahay mid ku saabsan soo celinta sharciyad hore u jirtay, halkii uu ka ahaan lahaa raadinta aqoonsi gebi ahaanba cusub.

Somaliland, oo markaas loo yiqiin British Somaliland Protectorate, waxay qaadatay madax-bannaanideeda 26 Juun 1960, iyadoo noqotay dowlad si rasmi ah u jirta oo leh awood sharci iyo aqoonsi dibadeed. In ka badan 30 dal ayaa si degdeg ah u aqoonsaday madaxbannaanideeda, taasoo caddeyn u ahayd in ay buuxisay shuruudihii dowladnimo ee qaanuunka caalamiga ah.

Hase yeeeshe, 1-dii Luulyo 1960 ayay si iskeed ah ula midowday Trust Territory of Somalia si loo hirgeliyo himiladii midnimo Soomaaliyeed.

Midowgaasi wuxuu ahaa go’aan siyaasadeed oo ku saleysnaa rabitaan qaran, balse aan lagu dhisin hannaan sharci oo mideeya labada dhinac si buuxda oo afti wadajir ah lagu ansixiyay.

Intii u dhexeysay 1960 ilaa 1991, waqooyiga Soomaaliya waxay la kulantay xasarado siyaasadeed, tacaddiyo iyo burbur baahsan, gaar ahaan xilligii taliskii militariga ee uu hoggaaminayay Maxamad Siyaad Barre.

Dagaalladii sokeeye iyo burburkii hay’adihii dowladnimo ee Soomaaliya 1991 waxay abuureen xaalad sharci iyo mid siyaasadeed oo gebi ahaanba beddeshay macnaha midowgii 1960. Shirarkii beelaha ee lagu qabtay Burco 1991 ayaa lagu go’aamiyay in dib loogu noqdo madax-bannaanidii 26 Juun 1960, taasoo saldhig u noqotay doodda ah in Somaliland dib u hananayso aqoonsigii ay hore u lahayd.

Tan iyo 1991, Somaliland waxay qaadday hannaan dib-u-dhis siyaasadeed oo ku dhisan shirar nabadeed oo gudaha ah, dib-u-heshiisiin bulsho, iyo dhismaha hay’ado dowladeed oo shaqeynaya. Dastuur afti loo qaaday 2001, doorashooyin madaxtooyo, gole wakiillo iyo gole deegaan oo si isdaba joog ah u qabsoomay, iyo wareeg awood oo ku yimid si nabad ah ayaa muujinaya jiritaanka haykal dowladeed oo wax ku ool ah.

Inkasta oo aanay weli ka mid ahayn United Nations, haddana waxay buuxisay shuruudihii dowladnimo ee ku qeexan mabaadi’da qaanuunka caalamiga ah, gaar ahaan jiritaanka dhul cayiman, dad joogto ah, dowlad shaqeysa iyo in cilaaqad kala dhaxeeyo dalalka deriska la ah.

Isbeddelka ugu weyn ee dooddani wuxuu yimid ka dib markii Wasiirka Arrimaha Dibadda israail Gideon Saar uu booqasho rasmi ah ku tagay Hargeysa 2026, taasoo ka dambeysay ku dhawaaqistii ay Israel ku aqoonsatay Somaliland dabayaaqadii 2025.

Tallaabadan ayaa jebisay xayndaabkii siyaasadeed ee muddada dheer ka hor taagnaa arrinta aqoonsiga, maadaama Israa’iil noqotay dalkii ugu horreeyay ee xubin ka ah Qaramada Midoobay oo si cad u qaata mowqifkan. Dhacdadan ayaa sare u qaaday suurtagalnimada in aqoonsiga Somaliland dib u soo laabto; qaab tartiib-tartiib ah oo ku dhisan xiriir laba geesood ah.

Booqashadaasi ma ahayn mid astaan diblomaasiyadeed oo keliya, balse waxay xambaarsaneyd fariin istiraatiiji ah oo ku wajahan Badda Cas iyo marinka Bab-el-Mandeb, oo ah marin-biyood istiraatiiji ah oo ay maraan boqolkiiba 12% ganacsiga adduunka. Sida lagu falanqeeyay warbixin ay soo saartay Hudson Institute (Feb 13, 2026), aqoonsiga Israa’iil wuxuu dib u qaabeyn karaa dheellitirka quwadaha Geeska Afrika, isla markaana siin karaa reer Galbeedka fursad ay ku xoojiyaan joogitaankooda marin-biyoodka istiraatiijiga ah.

Sidaas darteed, dib u hanashada aqoonsiga Somaliland waxay noqon kartaa arrin leh saameyn ka baxsan heer qaran, una gudubta heer gobol iyo mid caalami ah.

Marka laga yimaado dhaqdhaqaaqyada diblomaasiyadeed, doodda dib u hanashada aqoonsiga waxay si qoto dheer ugu xiran tahay mabda’a aaya-ka-tashiga ee ku qeexan Axdiga United Nations, gaar ahaan Qodobka 1(2). Mabda’ani wuxuu xaq siinayaa shucuubta inay si xor ah u go’aansadaan mustaqbalkooda siyaasadeed. Somaliland waxay ku doodeysaa in go’aankii 1991 uu ahaa fulin toos ah oo mabda’aas ah, maadaama midowgii 1960 uu ahaa heshiis laba dowladood oo hore u kala madaxbannaan oo burburay, ka dib markii dowladdii mideysneyd ay fashilantay.

Si kastaba ha ahaatee, mabda’a kale ee awoodda leh waa ilaalinta midnimada dhuleed, oo si cad loogu qeexay Axdiga midowga Afrika, gaar ahaan Qodobka 4(b). Qodobkani wuxuu ku saleysan yahay ilaalinta xuduudihii gumeysiga laga dhaxlay.

Somaliland waxay ku doodeysaa in marka ay dib u hesho aqoonsigeeda, aysan abuureyn xuduudo cusub, balse ay ku laabanayso xuduudihii ay lahayd maalintii ay xorriyadda qaadatay. Sidaa darteed, kiiskeedu wuxuu u baahan yahay in loo fahmo mid gaar ah oo ka duwan dhaqdhaqaaqyada kale ee gooni isu taagga ee qaaradda.

Marka Somaliland dib u hanato aqoonsigeeda, faa’iidada ugu horreysa ee siyaasadeed waxay noqon doontaa sharciyeyn buuxda oo ku aaddan xiriirrada diblomaasiyadeed, furashada safaarado iyo ka mid noqoshada hay’adaha caalamiga ah. Tani waxay u oggolaan doontaa inay si toos ah uga qayb qaadato shirarka iyo go’aan-qaadashada heer caalami, taasoo sare u qaadaysa sharciyadda iyo miisaanka ay ku yeelan karto masraxa siyaasadda caalamiga ah.

Saameynta dhaqaale ee dib u hanashada aqoonsiga waxay si gaar ah uga muuqan kartaa horumarinta dekadda of Berbera, oo ah halbowlaha ganacsiga Somaliland iyo marinka ugu muhiimsan ee isku xira Geeska Afrika iyo suuqyada caalamka. Heshiiskii saddex-geesoodka ahaa ee dhex maray Somaliland, DP World iyo Itoobiya sannadkii 2018 ayaa hore u muujiyay sida Berbera u noqon karto marin istiraatiiji ah oo si gaar ah muhiim ugu ah dalalka aan badda lahayn sida Itoobiya.

Marka Somaliland dib u hesho aqoonsigeeda, dekeddu waxay si buuxda ugu biiri kartaa nidaamka ganacsiga caalamiga ah, iyadoo heli karta caymis, maalgelin iyo heshiisyo toos ah oo dowladeed.

Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan mashruuca Berbera Corridor waxaa laga heli karaa warbixinnada rasmiga ah ee DP World (https://www.dpworld.com).

Marka laga eego juqraafiyadda iyo amniga badda, Somaliland waxay ku taallaa meel istiraatiiji ah oo ku dhow marinka Bab-el-Mandeb iyo Khaliijka Cadmeed, kuwaas oo ah marinno ay maraan boqolkiiba 12% ganacsiga badda adduunka ah.

Sida lagu caddeeyay warbixinta UNCTAD ee Review of Maritime Transport, marinkan wuxuu ka mid yahay kuwa ugu mashquulka badan caalamka (https://unctad.org/publications-search?f%5B0%5D=product%3A388) . Marka Somaliland dib u hanato aqoonsigeeda, waxay si rasmi ah uga qayb qaadan kartaa nidaamyada ilaalinta amniga badda iyo iskaashiga caalamiga ah ee la dagaallanka khataraha la xiriira marin-biyoodka.

Saameynta aqoonsiga oo dib loo helo kuma ekaan doonto xuduudaha Somaliland oo keliya, balse waxay si toos ah u taaban doontaa dheellitirka quwadaha ee Geeska Afrika. Itoobiya, oo ah dal aan lahayn marin-badeed, waxay muddo dheer ku tiirsaneyd Jabuuti; hase yeeshee, isticmaalka Berbera ayaa siin kara ikhtiyaar istiraatiiji ah oo kale. Goorta aqoonsiga dib doo helo, Addis Ababa waxay heli kartaa fursad sharciyeysan oo ay ku ballaariso iskaashigeeda dekedaha Somaliland, taasoo wax ka beddeli karta qaabka tartanka dekedaha gobolka iyo xisaabta istiraatiijiyadeed ee dalalka deriska ah.

Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si adag uga soo horjeeddaa aqoonsiga Somaliland, iyadoo ku doodaysa in midnimada dhuleed ay tahay mabda’ aan gorgortan geli karin. Mowqifkan wuxuu ku saleysan yahay qodobbada ku jira Axdiga midowga africa, gaar ahaan bayaanka 4(b), oo adkeynaya ilaalinta xuduudaha la laha dhaxlay gumeysiga (https://au.int/en/constitutive-act). Sidoo kale, qaramada midoobay ayaa si guud u taageerta mabda’a territorial integrity marka ay timaaddo dowladaha xubnaha ka ah (https://www.un.org/en/about-us/un-charter).

Sidaa darteed, aqoonsi kasta oo Somaliland dib u hesho wuxuu u baahan doonaa maarayn diblomaasiyadeed oo aad u xeel dheer si looga fogaado xiisado cusub oo goboleed.

Si kastaba ha ahaatee, marka si qoto dheer loo eego dooda dalalka Afrika ee ka cabsi qaba in aqoonsiga Somaliland uu dhiirrigeliyo dhaqdhaqaaqyo kale oo gooni isu taag ah, waxaa muuqata in kiiska Somaliland uu gabi ahaanba ka duwan yahay kiisaska kale.

Taasina waxaa horaantii ka marag kacay Madaxweynahii gaana Kwame Nkrumah oo ahaa shaqsigii dhidibada u aasay fikirii siyaasaded ee Pan-Afrikanism, fikirkaas oo daarna in Africa ay ahayd hal qaran oo gumeystahu kala jarjaray islamarkaana ka soo horjeeday dhaqdhaqaqyada gooni isu taaga, isagoo dhanka kale cadeeyay in kiiska Somaliland uu ka duwanyahay dalalka kale ee doonaya gooni isu-taagga.

Somaliland ma soo bandhigeyso xuduudo cusub, balse waxay ku doodeysaa inay dib u hanato xuduudihii ay lahayd maalintii ay xorriyadda qaadatay 1960. Qodobkan ayaa la jaanqaadaya mabda’a uti possidetis juris ee lagu ilaaliyo xuduudaha gumeysiga laga dhaxlay, taas oo ka dhigaysa in kiiskeeda loo arko mid gaar ah oo u baahan falanqeyn sharciyeed oo gooni ah.

Ugu dambayn, mustaqbalka Somaliland wuxuu si weyn ugu xirnaan doonaa sida ay u maareyso isu-dheellitirka u dhexeeya fursadaha iyo khataraha dib u hanashada aqoonsiga. Haddii ay hesho aqoonsi ballaaran, waxay si rasmi ah uga mid noqon kartaa nidaamka caalamiga ah ee ay hoggaamiso United Nations-ka, taasoo u oggolaan karta ka qaybgal toos ah oo ku saabsan arrimaha amniga, horumarka iyo ganacsiga caalamiga ah (https://www.un.org/en/about-us/un-charter). Hase yeeshee, haddii dadaalladaasi ku ekaadaan taageero kooban, waxaa jiri kara rajo sare oo aan rumoobin. Sidaas darteed, marxaladdan cusub waxay u baahan tahay qorshe diblomaasiyadeed oo fog, cilmi ku dhisan, isla markaana si miisaan leh u qiimeeya xaqiiqada taariikheed, sharciyeed iyo istiraatiijiyadeed ee ku hareeraysan dib u helitaanka aqoonsiga Somaliland.

Mohamed A “Qalbi”

Lecturer & Cilmi baare madax banaan
Jigjiga University
mcqaalbi7@gmail.com