Wax garadka, aqoonyahanka, dhalinyarada iyo odayaasha beesha reer Axamed (Jibriil Yoonis) ayaa maanta ka dareeray xisbiga Kulmiye, oo ay hore uga tirsanaan jireen waxayna si rasmiya ugu soo biireen xisbiga mucaaridka Waddani waxana ay sidaasi ka sheegeen kulan balaadhan oo ka dhacay magaalada Boorama ee caasimada gobolka Awdal.
Madax dhaqameedkan waxaa qaabilay oo soo dhaweeyay musharaxa madaxweyne ku xigeen ee xisbiga Waddani Maxamed Cali Aw Cabdi.