18-ka Mey 2026, Somaliland waxa ay xustay 35 sanno ka dib kala soo laabashadeedii midowga ay la yeelatay Soomaaliya. Sannad-guurada sannadkani si bay uuga duwanayd 34-kii kale ee ka horreeyey. Markii ugu horreysay, Somaliland waxa ay u dabaaldegaysaa maalinta madax-bannaanideeda iyada oo ah dawlad ay aqoonsatay xubin ka tirsan Qaramada Midoobay; Israa’iil, oo aqoonsi buuxa oo diblomaasiyadeed siisay 26-kii Diseembar 2025-kii, taas oo noqotay dalkii ugu horreeyey dunida ee sidaas sameeya. Jawaabta Muqdisho waxa ay noqotay in ay arrinta ku tilmaanto “duullaan qaawan” qaylo-dhaanna u dirto waddamada Islaamka.

Doorashada hubkan siyaasadeed wax badan ayay tilmaamaysaa. Soomaaliya waxay miiska soo saari karaysay dood ku saabsan madaxbannaanida — maadaama xaaladda caalamiga ah ee Somaliland weli muran ka taagan yahay — balse Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu doorbiday dood Islaami ah, maxaa yeelay qaylo-dhaanta diimaysani meel fog ayay gaadhaa, wayna adag tahay in si toos ah looga jawaabo. In ka badan soddon sanno oo dagaal sokeeye, burbur siyaasadeed, musuqmaasuq, dhiig badan oo daatay, iyo malaayiin Muslimiin Soomaali ah oo ku barakacay gudaha dalku, uma aha sumcad wanaagsan dawlad ay hagayaan mabaadi’da Islaamku.

Hadday Muqdisho rabto in ay aaminaadda diimeed ka dhigato qayb ka mid ah dhaxalkeeda iyo sharciyaddeeda siyaasadeed, waa in ay fasirtaa sababta ay marar badan uga qeyb qaataan deris aan Muslim ahayn sida Itoobiya iyo Kiinya, dhexdhexaadinta, wada xaajoodka iyo mararka qaar dib-u-dhiska dowladnimada Soomaaliya iyo nidaamkeeda federaalka. Madaxweyne Xassan Sheekh ma diidin wada xaajoodyadaas sababo diin la xidhiidha awgood, mana maragsan xukun Islaami ah markuu u baahday hoolalka shirarka Nayroobi ama dammaanadaha Addis Ababa. Kaliya marka ay Somaliland ku foofto danaheeda gaarka ah, macaamilna la yeelato dalal aan Muslin ahayn, iyada un baa gaalowda.

Aqoonsiga dawlad madax-bannaan waa tallaabo sharci iyo siyaasad labadaba ah. Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ergayga Israa’iil u fadhiyaa waxa uu daliishaday heshiiska Montevideo isaga oo difaacaya aqoonsiga, wuxuuna sheegay in Somaliland si joogto ah u buuxiso shuruudaha dawladnimo ee uu dhigayo sharciga caalamiga ahi. Hase yeeshee, xitaa haddii arrinta laga eego dhinaca diinta oo keliya — iyada oo loo raacayo Muqdisho halka ay ka duulayso — doodda ka dhanka ah madax-bannaanida Somaliland way jabaysaa. Marooko waxay xidhiidh caadiyeyn (normalization) ah la yeelatay Israa’iil bishii Diseembar 2020-kii, dadka ku noolna ku dhowaad dhammaantood waa Muslimiin. Suudaan, oo sidoo kale Muslimiin u badanina, mid lamid ah diblomaasiyadaas ayay ku tallaabsatay. Midkoodna kursigiisa kuma waayin Ururka Iskaashiga Islaamka. Midkoodna fatwo ama cambaarayn rasmi ah ugamay iman Jaamacadda Carabta. Masar waxay xidhiidh diblomaasiyadeed oo buuxa la lahayd Israa’iil tan iyo 1979-kii, waana halka xarunta Jaamacadda Carabtu ku taallo. Isutagga Imaaraadka Carabta iyo Baxrayn — oo ka mid ah dalalka Muslimiinta ugu saamaynta badan, waxa ay saxeexeen heshiisyada Abraham Accords, isagoo ganacsiga laba geesoodka ah ee u dhexeeya Israa’iil iyo Imaaraadku uu ka badanaa 3 bilyan oo doolar sannadkii 2024-kii. Turkiga Madaxweyne Rajab Dayib Erdogan, inkastoo uu taageerada Falastiin u muujiyo siyaasad ahaan, haddana wuxuu sii wadaa xidhiidh ganacsi oo uu la leeyahay Israa’iil, oo qiimihiisu gaadhayo balaayiin doolar sannad walba — xidhiidhkaas oo ka gudbay marxalad kasta oo xiisaddu kor u kacday.

Haddii aqoonsiga Israa’iil si dhab ah uga hor imanayo maamul Islaami ah, Ururka Iskaashiga Islaamka waxaa ka maqnaan lahaa kala badh xubnihiisa. Markay Masar heshiiska nabadda la saxeexatay Israa’iil 1979-kii, ururku wuu hakiyey, balse toban sanno kadib dib ayuu u soo celiyey. Markii dalalka Abraham Accords xidhiidh caadiyeyn ah la sameeyeen Israa’iil 2020-kii, ururku xitaa ma qaban cod cambaarayn ah. In la mamnuuco xidhiidhka lala yeelanayo Israa’iil ma sii jiri karo marka ay ka hor timaaddo danaha dawladaha xubnaha ka ah. Xassan Sheekh wuxuu hadda Somaliland ka rabaa in ay raacdo xeer ay hore uga dul tallaabsadeen Soomaaliya lafteeda, xulafadeeda, taageerayaasheeda iyo xubnaha kale ee ururkaba. Arrinta Falastiin ma aha awood uu hal dal oo Muslin ahi ku xannibi karo go’aanka laba geesoodka ah ee dal kale.

Diidmada Islaamiga ah ee Madaxweyne Xassan Sheekh waxay u adeegaysaa dano kale. Turkiga — oo cadaawadda Israa’iil ka dhigtay tiir muhiim u ah siyaasaddiisa arrimaha dibadda — wuxuu Muqdisho ku leeyahay saldhiggiisa milatari ee ugu weyn dibadda, wuxuu tababaray tobannaan kun oo askar Soomaali ah, wuxuuna 2024-kii saxeexay heshiis difaac oo toban sanno ah kaas oo Ankara siinaya xuquuqda xeebaha Soomaaliya iyo qayb ka mid ah dakhliga dhaqaale ee badda. Maalmo gudahood markii aqoonsigu dhacay, Erdogan wuxuu Xasan Sheekh la soo garab istaagay Istanbul, wuxuuna cambaareeyey tallaabada Israa’iil isagoo ku tilmaamay “mid sharci darro ah oo aan la aqbali karin,” maadaama joogitaanka Israa’iil ee xeebaha Somaliland uu halis istaraatiiji ah ku yahay danaha Ankara. Xeebaha Somaliland waxay ku yaallaan marin muhiim ah oo u dhexeeya Gacanka Cadmeed iyo marinka Bab al-Mandab — oo ah marin ay ka gudbaan qayb weyn oo ka mid ah ganacsiga badda ee caalamku, isla markaana ay ku loollamayaan Maraykanka, Shiinaha, Turkiga iyo jabhadda Xuutiyiinta ee Iran taageerto. Tehran iyo Ankara waxay wadaagaan dano toos ah; in Israa’iil laga hor istaago saldhig noocaas ah.

Doodda taageeraysa aqoonsiga Somaliland kuma dhisna dareen keliya. Israa’iil waxay ka mid ahayd dalalkii ugu horreeyey ee aqoonsada madax-bannaanidii gaabnayd ee Somaliland sannadkii 1960-kii, waxayna 1990-kii ahayd dalka keliya ee Qaramada Midoobay ka cambaareeya xasuuqii Isaaq. xidhiidhkani wuxuu jiray tobannaan sanno ka hor diidmada Xassan Sheekh.

Hargeysi waxa ay isku dhufsanaysaa isla xisaabtii ay Rabat hore isugu dhufsatay. Marka ay Marooko ku biirtay Abraham Accords, waxay Israa’iil la saxeexatay heshiis heer dowladeed oo u dhigan in biyaha milixda leh laga sifeynayo iyo dib-u-isticmaalka biyaha wasakhda ah. Kadibna shirkadda laga leeyahay Israa’iil ee IDE Technologies waxay gashay tartanka mashruuc qiimihiisu yahay 880 milyan oo dollar oo loogu talagalay warshad biyo sifayn ah si ay u gaadhsiiso Casablanca iyo magaalooyinka ku dhow. Dawlad Musliintu u badan yihiin, oo biyo yari ka jirto, waxay go’aansatay in khibradda Israa’iil ay dan qaran u tahay — Ururka Iskaashiga Islaamkuna dood kama dhiiban. Kiinya iyo Ruwanda waxay isla natiijadaas ka gaadheen iskaashi dhinaca beeraha ah, teknoolajiyadda waraabka casriga ah iyo heshiisyo maalgashi oo muddo dheer socday — gaar ahaan Kiinya tan iyo markii ay xornimada qaadatay. Somaliland waxay si fudud u dalbanaysaa isla xalalka siyaasadeed ee ay dowladaha kale ee gobolku dooranayaan.

Soomaaliya ma qaban doorasho lagu kalsoonaan karo oo qof iyo cod ah muddo soddon sanno ka badan. Waxay lumisay dhulal muhiim ah oo gacanta u galay Al-Shabaab. Waxay ku tiirsan tahay ciidamo shisheeye iyo miisaaniyado deeq-bixiyeyaal. Sidaas darteed, ma joogto meel ay Hargeysa uga jeedin karto khudbad ku saabsan dowlad-dhisid ama Alla ka cabsi.

Sayid Meday