Arrimo foolxun oo Bar madow ku noqon kara Sumcada S/land,Bulshada Caalamkuna ka digeen oo weli socda
Falalka noocan ah, maalintii dhawayd ee 14 Safiir kulanka la yeesheen Madaxweynaha, waxyaabihii ay kala hadleen ayey ku jirtay in aan awood loo adeegsan Mucaaradka.
Arrimaha noocan ah iyo kuwii dhacay Bilihii June iyo August, waa kuwo sawir aad u fool xun ka bixiyey Somaliland iyo sumcaddeedii.
Dalalka Somaliland taageerada niyad Jab ayey ku riday, halka qaar ka fikirayaan In ay joojiyaan taageeradii ay siin jireen Somaliland, ka dib walaac ay ka qabaan tallaabooyinka ka dhanka ah xoriyad muwaadiniinta iyo Mucaaradka.
Arrintan waxa kale oo ay fursad weyn siinaysaa kuwa qadiyadda Somaliland ka soo horjeeda ee adduunka u sawira in ay Somaliland tahay meel ku tumashada xuquuqda aadama astaan u ah, sida maalmihii u dambeeyey nin garyaqaan Mareykan ah oo Somalia lacag ku siisay inuu ka shaqeeyo is hortaaga Heshiiskii iskaashi iyo Mareykanka uu aad u adeegsadayey isla markaana Warbaahinta adduunka ku faafinayey dhacdooyin Somaliland ka dhacay oo ay ka mid yihiin kuwii Mudaharaadyadii u dambeeyey iyo xadhigga saxaafadda.
Sawirkan waa Sarkaal Booliska Somaliland ka tirsan oo Xoghayaha Dhlinyarada iyo Ciyaaraha ee Xisbiga Waddani la hor taagan Faash.
Waxa aan goโaan Xukuumaddeed iyo mid Talis Bilays ka soo bixin ayaa laga yaabaa inuu dhibaato weyn u soo jiido Somaliland.