Talo Dhaanwade.

Arrinta ictiraafku yaanay kaftan iyo sidaa maan moodahayn inaga noqon. Ugu horrayn xukuumadu ha diyaarsato masuuliin kooban oo aan laba xul ah ka badnayn oo u qaabilsan ka hadalka ictiraafka Israel kala dhexeeya oo sida muuqata lagu kala rayi duwanaaday markii safaarada Qudus la geeyay. Masuulka ama masuuliintaa arimahaasi inay reer Somaliland iyo caalamka wixii suaala uga jawaabaan loo igmadaa waa in ay yihiin kuwa leh dhaqan Carbeed maadaama qaddiyadu ay Bariga Dhexe khusayso si aanay inooga bixin ereyo aan ku fiicnayn anshaxa diblumaasiyada. Carab marna isku dan baynu nahay marna kala dan. Labada danoodba waa in la ilaaliyaa intii suuregal ah.
Mid kale oo muhiim ahna aan taabto.
Isku duubnida guduhu waa daruuri marxaladan aynu marayno. Taa si loo ilaaliyana xukuumada waxa la gudboon inay gacanta ku qabato odayaal dhaqameedka. Maadaama dhankii culimada uu dildilaac ku yimid, yaan dhanka madax dhaqameedka laga marin.
Arrintaasi waa kama kacdo. Weligeedbana sidaasay ahaan jirtay marka xaalku meel adag marayo. Ilaahow dhego weeleeya ku rid.
Bulsho qabali ah baynu nahay ay u taliyaan odayaashaa markaynu doono koofiyad baclaha aynu ku sheegno.
Reer kasta afarta u budh tuuuraha u ah waa inay xukuumadu dhankeeda soo marisaa.
Halkaa yaynaan god seegin. Labada waddee horteena kasoo baxay midna waddo dhuxuleed mid waa mid quman. Ilaahay ta saxda ah haynoo dooro.
Allaa mahadle.

Abdirshid Ahmed