Laba ka mid ah askartii milatariga ahaa ee xukuumaddu ku dishay buurta Naaso-hablood ayaa lagu aasay xabaalaha Haleeya.

Xukuumadda ayaa aas u samaysay Labadani askari oo deegaan ahaan ka soo jeeday bariga iyo Koonfurta Hargeysa.

Aaskani ayaa waxa ka soo qayb galay saraakiil iyo ciidamo ka tirsan ciidanka qaranka, waxana aaskani yimid markii heshiis rasmi ah ay gaadheen xukuumadda iyo eheladii labada marxuum ee maanta la aasay kuwaasi oo ay xukuumaddu qaadatay masuuliyadeeda

Waxa sidoo kale aaska yimid qoysaskii labada marxuun iyo eheladoodii iyo caruurtoodii





 

Waxa wali aan la aasin nin ka mid ah ragii iyaga oo hurda la dilay  ninkaasi oo wali maydkiisu uu yaalo cisbatalka guud.

Ninkaasi waxa dilay rag shicib ah oo hubaysan oo xiligaasi baxsaday arinka dilkaasi waxa ka masuul ah cidii gatsatay

Xukuumadduna waxa ay u qabtay arinkaasi dad dhowr ah walina heshiis arinkaasi lagama gaadhin se waxa socda sidii arinkaasi loo gudo gali lahaa