Axmed Muumin Seed oo ka Dayriyay Dhaqdhaqaaqyo Guracan oo Xukuumaddu ka wado Wajaale

Hargeysa(Qaran news)-Siyaasiga Axmed Muumin Seed ayaa ka dayriyay dhaqdhaqaaqyo guracan oo xukuumaddu ka wado magaalada Wajaale oo ay horumarka kagala dagaalayso muwaadiniin qaar kalena xuquuq dheeraad ah ku siinayso.

Sudaasna wuxuu ku sheegay qoraal uu soo saaray oo u qornaa sidan:-

“Walee Wajaale Waxa Ka Soo Socdiyo Wabiga Yaa Weyn

Wajaale warka ka soo yeedhayaa ma wanaagsana, damiirka uma wanaagsana, dawladnimada uma wanaagsana, dadnimada uma wanaagsana, damaceena dal-madaxbanaan ahna uma wanaagsana.

Wajaale xukuumadu waxa ay ka wadaa qorshe ay ku weecinayso jidkii laamiga ahaa ee Barbara corridor ee hore Survey-ga loogu sameeyay, kaas oo lagu waday in uu maro Waqooyiga magaalada, isaga oo markaas 4km oo kaliya ku gaadhi lahaa badhtama Wajaale & Xuduuda Ethiopia, waxana ay xukuumadu geed dheer u fuushan tahay sidii ay jidkaas ugu leexin lahayd dhinaca Koonfureed ee Wajaale, taas oo markaa jidka ka dhigaysa mid masaafo dhan 10km oo jihada Koonfureed ah ku gaadhaya Wajaale iyo xuduuda Ethiopia.

Waa habdhaqan ku dhisan talo guracan, waa kala-godobsasho iyo xad-gudub badheedh ah in ay xukuumadu is hortaagto wado 4km ah oo dhex-maraysay beeraha iyo dhulka dad muwaadiniin ah, iskuna qaawiso sidii ay jidkaas uga leexin lahayd majarahiisa iyada oo u leexinaysa dhinaca beero kale oo ay leeyihiin muwaadiniin kale oo ay xukuumadu isku qancisay in ay dadka kale ka xaq iyo xuquuq badan yihiin.

Dabcan, qorshahaas waa mid aan laga fiirsan, waa mid god-dheer ku ridaysa kalsoonidii lagu qabay in beelaha ku somaliland wax wada yeelan karaan. Waa mid mugdi iyo kala aamin bax u horseedaya bulshada, soona cimri-dadajinaya himiladeena ah helitaanka dal la wada leeyahay, loona siman yahay qaybsiga khayraadkiisa.

Xaalka sidaas ah waxa uu waajibinaya in masiirkeena wax wada lahaasho la iska waydiiyo su’aasha ah “side ayaa dawladnimo & khayraad loola wadaagi karnaa dadka iyo xukuumada is huwan ee 4km oo jid ah u quudhi la’ dad ay wax isku darsadeen?

Si kastaba ha ahaatee, waxa aan shacabka reer Somaliland ugu baaqaya in ay amniga ilaashadaan, sidoo kalena waxa aan xukuumada ugu baaqayaa in qorshahaas shaydaan ay faraha kala baxdo, jidkaasna u dayso tubtii hore loogu sahmiyay, kana shaqayso danta guud iyo maslaxada dadka degaanka Wajaale ee ay kala godobsanayso.

Eebe Ha Idin Waafajiyo Talada Wanaagsan.”