Baabuurkii laga Dhacay Wakaaladda Biyaha Burco oo la Wareejiyay

Hargeysa(Qaran news)-Waxa lagu guulaystay in la celiyo baabuurkii ay shalay dabley ka tirsan Buurta Gacan Libaax ka qaadeen maareeye kuxigeenka Wakaaladda Biyaha Burco.

War aanu ka xaqiijinay ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in gaadhigaas la wareejiyay oo ay geeyay magaalada Burco laguna wareejiyay wakaalada biyaha ee Burco.

Warku wuxuu intaas ku daray in kooxdii gaadhigaas dhacday iyaguna ay ka faa’iidaysanayaan cafiskii dawlada Somaliland u fidisay iyo dadaalkii odayada dhaqanka ee beesha Garxajis waxana ay go’aansadeen oo qaateen in ay ka dhabeeyaan heshiiskii la gaadhay isla markaasina dib loogu qarameeyo ciidamada qaranka ee kala duwan

Geesta kalena waxa socda dedaalkii ugu dambeeyay ee madaxda dhaqanku ku soo afjarayaan jabhada buurta Gacan-libaax, iyadoo dhallinyarada halkaas ku jirtayna ay aqbaleen talada odayaasha, waxana ay gudigu si dhakhso ah ay xukuumadda ugu wareejinaysaa gaadiidkii ay ay jabhadu haystay ee ay hore uga afduubteen dawladda wareejinta baabuurtaasi waa tallaabadii ugu danbaaysay ee lagu soo afjaraayay hawlahii buurta

Waxa kaloo toddobaadkii hore dufcadii ugu horraysay ee jabhada gacan libaax ay ku biireen ciidanka qaranka oo lagu qarameeyay. Taasi oo ah tallaabo wax ku ool ah oo hore loo qaaday iyada oo la raacasyo heshiiskii dhawaan la gaadhay.