Baanka Dhexe oo Digniin kama Dambays ah u diray Sarifleyaal Xadgudbay

Hargeysa(Qaran news)- Baanka dhexe ee Somaliland ayaa digniin kama dambays ah u diray sarrufleyaal ku xadgudbay sarrifka lacagaha qalaad oo ay lacag dheeraad ah ku daree qiimihii baanku u jaray.

Sidaasna waxa lagu sheegay qoraal ka soo baxay Baanka Dhexe ee Somaliland, waxana digniintaas lagu socodsiiyay 10 sarrifle oo lagu arkay inay qiime dheraad ah wax ku sarifaan.

Warqadaas digniinta ahina waxay u qornayd sidan:-