Baarlamaanka Ingiriiska oo dhegaystay Warbixin la xidhiidha Mooshinka Aqoonsiga Somaliland

London(Qaran news)- Xildhibaan Gavin Williamson oo ka tirsan Baarlamaanka Ingiriiska ayaa mooshin la xidhiidha aqoonsiga Somaliland galabta horgeeyay Baarlamaanka UK. Waxaanu tafaasiil ka bixiyay xidhiidhka soojireenka ah ee ka dhexeeyay Somaliland iyo Ingiriiska.

Gavin Williamson wuxuu sheegay inay muhiim tahay in Ingiriisku ku dhiirado aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanu yidhi “Waxaan ka hadlayaa in aynu aqoonsi siino Jamhuuriyadda Somaliland oo xulafo inala ahaa madax-bannaanidana Ingiriisku siiyay.”
Xildhibaan Gavin wuxuu tafaasiil ka bixiyay xasuuqii Soomaaliya u geysatay Somaliland oo ahaa mid arxan darro ah oo burburiyay magaalooyinka Somaliland, waxaanu sheegay in qoys kasta oo reer Somaliland ah uu qof kaga dhintay xasuuqaas.

“Qoys kasta oo Somaliland ka mid ah qof ayaa kaga dhintay xasuuqii Taliskii Siyaad Barre u geystay Somaliland,”ayuu yidhi Xildhibaanku wuxuuna intaas ku daray “Somaliland waxay mar kale 1991kii xoriyadeedii kala soo noqotay Soomaaliya oo ay midoobeen. Somaliland waxay soddon sannadood dalbanayeen aqoonsi la siiyo madax-bannaanidooda.”

“Waxay Somaliland leedahay nidaam dimuqraadiya, waxaanay hirgelisay doorashooyin dimuqraadiya oo xor ah oo iskugu jiray kuwo madaxweyne iyo qaar baarlamaan.” waxa kaloo ay intaas ku dartay “Somaliland waxay samaysay wax kasta oo dal madax-bannaan oo dimuqraadi ahi sameeyay”

Gavin Williamson oo ka hadlayay xidhiidhkii ka dhexeeyay Somaliland iyo Ingiriiska wuxuu yidhi “Muddo dheer shacbiga Somaliland waxay ka naawilayeen Ingiriiska inuu si saaxiibtinimo leh wax ula qaban doono. waxaanay ilaa dagaalkii labaad ee adduunka la jireen oo ay dhinaca ku hayeen ciidammadii Ingiriiska.”

“Waxa aynu u baahan nahay inaynu qaran ahaan wax badan la qabano Somaliland, waana xilligii aynu aqoonsan lahayn”ayuu yidhi Xildhibaan Gavin waxaanu intaas raaciyay “Dawladda Ingiriisku ma doonayso inay qaado tallaabooyinkii loo baahnaa, waa se in Baarlamaanku horseedaa wax la qabashada Somaliland.”

“Somaliland oo ah dal shacbigiisu yahay 5.7 Milyan oo qof waa u muhiim Ingiriiska oo uu la ahaa xulafo weli la yahay,”ayuu yidhi Xildhibaan Gavin Williamson.
Mooshinkan waxa maanta falan qeyn iyo dood ka dhiibtay xildhibaanno kala duwan, waxana la filayaa in laga soo saaro go’aan, la xidhiidha mooshinkaasi.