Baarlamaanka Ingiriiska oo ka doodaya Mooshin ku wajahan Aqoonsiga Somaliland

Hargeysa(Qaran news)- Baarlamaanka Ingiriiska ayaa Salaasada Toddobaadkan la doodaya mooshin ku wajahan xeer la xidhiidha in lagu aqoonsado Jamhuuriyadda Somaliland.

Mooshinkan oo uu soo diyaariyay Xildhibaan Gavin Williamson oo hore u ahaan jiray Wasiirka Gaashaan-dhiga UK, wuxuu mooshinkan dhigayaa in xeer ahaan looga doodo in JSL loo aqoonsado dal madax-bannaan oo ku yaalla Geeska Afrika.

Shabakada Baarlamaanka Ingiriiska ayaa lagu daabacay in mooshinkaasi la geli doono gelinka dambe ee maalinta Salaasada ah. Haddii mooshinkani najaxo waxay noqonaysaa inuu maro labada aqal ee baarlamaanka Ingiriiska, kadibna waxa ay Dawladdu qaadi doontaa inay dhsqangeliso xeerkaas baarlamaanku gaadhay.

Tallaabadan ayaa ah mid hore loogu qaaday halganka Somaliland ugu jirto aqoonsi raadinta. Waxaanu ku soo beegamayaa iyadoo Somaliland ay dhawaan u debaal-degtay 32 guuradii ka soo wareegtay markii ay ka baxday midowgii ay la gashay Soomaaliya sanadkii 1960.