Baarlamaanka Soomaaliya oo ansixiyay Heshiis aanay aragba
Muqdisho,(Qaran news)-Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay heshiis ay baddooda ugu gacan galiyeen Turkiga.
Heshiis oo aan loo qaybin Baarlamaanka ayay haddana ansixiyeen heshiis aanay indhaha saarin.
Kulankaas oo ay ka soo xaadireen 216 mudane waxaa ogolaaday 213 Xildhibaan, waxaana diiday 3 Xildhibaan, sida uu ku dhawaaqay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Sheikh Aadan Maxamed Nuur Madoobe.
Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimu ayaa cambaareeyay in baarlamaanka Soomaaliya meelmariyeen heshis aanay aragba.
Dhanka kalana waxa la soo sheegayaa in ay heshiiskaasi diidanyihiin maamul goboleedyada Somalia oo aan lagala tashan in khayraadkooda lagu badasho ciidamon la keeno badahooda oo Turkish ah.
Barlamaankaasi maanta codeetay ayaan matalin Somaliland hal xildhibaan oo kuwaasi codeeyay ma taginkaro Somaliland cid Somaliland matashaana ma ku jirto golahaasi.
Dawlada Turkiga yaan hunguri soo qaadin yaanay isku soo galin xeebaha Somaliland Xasan Sheekhna wax aanunlahayn ayuu rabaa yaanay dawlada Turkigu noqon mid lagu jabiyo xeebo ayna lahayn oo ay ku soo galayso sharci been ah.
Dawlada Somalia 1988kii markii ay xasuuqaysay shicibka reer Somaliland waxa ay u soo kaxaystay calooshooda u shaqystayaal South African Cadaan ahaa oo diyaarado ku garaacaayay shicibka magaalooyinka Somaliland oo ay ugu horaysay magaalada Hargaysa oo ay xasuuqeen kumaan kun oo qof.
Dawlada Turkigu yay noqon calooshooda u shaqaystayaalkii South Afrikaanka Cadaanka ahaa ee dawladii Somalia u soo kiraysatay xasuuqii Somaliland 1988kii