Baashe Cabdi Gaboobe oo lagu soo Dhaweeyay Xarunta dhexe ee Xisbiga WADDANI
Hargeysa(Qarannews)-Agaasimaha Xarunta Dhexe Mudane Siciid Xaashi Cali iyo agaasime kuxigeenka Mudane Khadar Xasan Axmed ayaa Xarunta Xisbiga si diirran ugu soo dhaweeyay Xoghayaha Arrimaha Gudaha Xisbiga WADDANI Mudane Baashe Cabdi Gaboobe oo uu weheliyo Xoghaye Xigeenka Arrimaha Gudaha Mudane Mawliid Muumin.
Masuuliyiinta ayaa ka wada hadlay xoojinta isku xidhka iyo sidii Xaruntu u horumarin lahayd u adeegidda gobollada iyo degmooyinka dalka.
Xoghayaha Arrimaha Gudaha ayaa tallooyin ka turjumaya waayo aragnimadiisa shaqada xisbiga la wadaagay madaxda Xarunta Dhexe.