Badhasaabka Gobolka Maroodijeex oo Shaaciyay in aan waxba dhib ah loo geysan karin reer Sool

Hargeysa(Qaran news)- Badhasaabka gobolka Sool, Maxamed Axmed Caalin (Tiimbaro), ayaa sheegay in tallaabo laga qaadi doono ciddii isku deyda inay af iyo adinba wax u dhinto shacabka reer Sool ee ku dhaqan caasimada Hargeysa.

Badhasaab Tiinbaro oo xafiiskiisa galabta kula shiray Taliyeyaasha booliska ee Gobolka Maroodijeex, ayaa sheegay in aanay jirin cid waxyeeli karta shacbiga reer Sool ee ku dhaqan Hargeysa.

Wuxuu intaas ku daray in cid kastaaba ay ka war hayso jaarkeeda, isla markaana Booliska lagu soo wargeliyo ciddii dhib wada.

Badhasaab Tiinbaro wuxuu sheegay in cadow yahay ciddii caasimada Hargeysa ka sheegata reer Sool. Wuxuuna iyagana ugu baaqay inay is dejiyaan oo aanay qaylodhaanta qurba jooga iyo dadka baas sheega ah warkooda aanay ku guurin.

Badhsaabka iyo taliyeyaasha qaybaha Boolisku waxay ballan ku qaadeen inay tallaabo adag ka qaadi doonaan ciddii waxyeelaysa reer Sool. Waxaanay intaasi ku dareen in qiysas ka soo jeeda Sool iyo Buuhoodle ay ka guureen Hargeysa iyadoo aan waxba lagu sameyn.