Bahda Waxbarashada Gobollada oo Lagu Tababarayo Adeegsiga Xogaha

Hargeysa(Qaran news)-Wasaarada Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland , ayaa soo qaban-qaabisay tababar ku saabsan xogta, qaybaheeda iyo siyaabaha kala duwan ee loo isticmaalo loogana faa’iidaysan lahaa.

Tababarkan oo socon doona muddo 3-Maalmood ah, Waxa si rasmi ah u furay Agasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo sayniska Dr. Cabdirisaaq Jama Nuur iyo agasimaha Waaxda siyaasada iyo qorsheynta ee WW&S Md Xuseen Cabdi Cawil ( Foodcadde )
Tababarkan waxa ka soo qaybgalay guddoomiyayasha gobollada iyo Madaxda qorshaynta ee heer gobol iyo qaar ka mida shaqalaha waaxyaha ka shaqeeyo xogta WW&S.

1. Awdal
2. Salel
3. Gebiley
4. Maroodijeex
5. Hawd

Waxa todobaadyada soo socdana loo furidoona gobollada kale ee dalka sida:
1. Saaxil
2. Togdheer
3. Badhan
4. Sanaag
5. Saraar
6. Daad-madheedh

Tababarkan waxaa bixinaayay Riwaan Sheekh iyo Kaltuun.