Muranka iyo khilafka ka dhex oogan xisbiga Kulmiye ayaa ka sii daraaya maalinba maalinta ka danbaysa.

Sida uu xaqiijiyay Cabdi wali Suufi waxa xalay guryahooda lagu weerarary qaar ka mid ah madaxda xisbiga Kulmiye gaar ahaan garabka taabacsan gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed.

Ilaa hada lama sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay weeraradaasi bajinta ah ee xalay lagu weerray hoyga xubnahaasi, sidoo kale ilaa haa wax war ah oo rasmi ah kama ay soo saarin weerarkaasi xalay dhacay.

Arinkani ma aha wax hada cusub ee waxa jirtay in xisbiga Kulmiye uu dhexdiisa hore isugu adeegsaday weeraro kuwani oo kale ah xiligii xukumadii Siilaanyo, iyada oo garabka hada kala jabay ee isu baalo xooftaynayaa ay dhan ka soo wada jeedeen