Xukuumadda Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa deegaanka Xariirad ku guulaystay in dadka deegaankaasi ay u hir galiso Riig biyood, taasi oo uu madaxweynahu uu balan qaaday xiligii uu ololaha doorashada ku jiray taasi oo hada rumowday kadib markii uu Madaxweynuhu uu kaga dhabeeyay balan qaadkiisii ahaa in dadka deegaanka Xariirad ay heli doonaan biyo nadiif ah.
Laba todobaad ka hor ayaa madaxweyne Cirro uu kaga dhabeeyay balan qaadkii uu ku dhisaayay jidka isku xidha Bali Gubadle iyo Hargysa xaga uu ka dhabeeyay todobaad ka hor balan qaadkii ahaa in uu dhisaayo jidka isku xidha Baki iyo Borame kuwaasi oo hawshooda gacanta lagu hayo taasi oo ay dheertahay balan qaadkii mushaar kordhinta ciidamada qaranka oo iyana rumowday






