Bangiga Adduunka ayaa laga yaabaa inuu joojiyo taageerada miisaaniyadda ee uu siiyo Soomaaliya, ka dib markii Maxkamadda Sare ay xukuntay inuu dhammaaday muddada xil-haynta Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Tallaabadan ayaa sii kordhin karta culayska dhaqaale ee dalka, waxayna sii qoto dheerayn kartaa xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Somalia.

Xasan Sheekh ayaa doonaaya in aanu ka degin kursiga oo aanu qaban doorasho lagu wada kalsoonyahay taasi oo cirka ku sii shareerta khilaafka ka jira Muqdisho iyo guud ahaan deegaanada koonfurta Somalia.

Dhanka kalena waxa lagu wadaa in ay Muqdisho isaga baxaan dalalka caalmka ee safaaradaha ku leh halkaasi.

Iyada oo dawlada Maraykanku ay ciidamadeedii ka joogay halkaasi ay kala baxday iyada oo la filaayo in dalal kalena ay ciidamadooda kala baxaan gaar ahaan kuwa Afrikanka.