Bangiyada dalka oo Shir uga Furmay Hargeysa

Hargeysa(Qaran news)-Baanka Dhexe JSL iyo Ururka Baananka JSL oo iskaashanaya ayaa qabtay kulan hawleed lagu lafo gurayey horumarinta iyo dhismaha kaabayaasha maaliyada {Somaliland Financial Infrastructure}.

Kulan ayaa waxa ka soo qaybgalay madaxda baanka dhexe, maamuleyaasha baananka gaarka loo leeyahay, hay’adaha mobile money-ga iyo madaxda Ururka Baananka.

Waxa lagaga wada hadlay kulankan sidii baangiyadu iskaashi iyo wada sgaqeyn u yeellan lahaayeen.