Madaxda banka Somaliland oo uu ugu horeeyo gudoomiyaha Banka Somaliland ayaa ku fashilmay in ay wax ka qabtaan shilinka Somaliland oo maalinba maalinta ka danbaysa dhulka sii galaaya.
Taasi oo sababtay sicir barar xoogan oo soo food saaray dalka iyada oo dadkii danyarta ahaa ay yaabanyihiin isla markaasina ay sadexda wakhti mar wax cunaan kadib markii ay meceeshadu cirka isku shareertay taasi oo ay sababtay qiima dhaca shilinka iyo doollarka oo cirka isku sii shareeraaya.
Mar aanu isku daynay madaxda banka Somaliland waa ay noo suurto gali wayday si aanu wax uga waydiino dhibka ka jira dalka ee la xidhiidha sarifka iyo waxa u sabab ah shilinka sii degaaya, hase ahaatee way noo suurto galiwayday.
Lakiin waxa aan ogaanay in madaxda ugu saraysa banka Somaliland ay aaminsanyihiin in shilinka Somaliland uu kor u soo kici doono marka ay bilaabmaan ololaha doorashadu oo suuqa ay soo gali doonto lacag doolar ah oo faro badani.
Rajada dhabta ah ee keeni karta in meceeshadu jabto shilinka Somalilandna uu qiima yeesho waa itada oo la helo isbedel dalka ku yimaada oo la bedelaa xukuumadda hada dalka ka talisa oo dalka galisay dhibka maanta taagan.