Beegsiga haweenka iyo Xukuumadda wakhtigeedu dhamaaday
“Xukummadda wakhtigeedu dhammaaday ee uu hoggaamiyo Muuse Biixi waxay ku suntan tahay xadhigga, jidh dilka iyo ku tacadiga haweenka muwaadiniinta ah ee reer Somaliland, gaar ahaan kuwa fikirkooda cabira iyo kuwa Xisbiyada Mucaaradka ah taageera.
Haweenka oo ah dad u nugul dhibaatooyinka xadhigga iyo tacadiyada kale ee Xukuumadda kula kacdo, ayaa waxa muddooyinkan dambe sii kordhaya tacadiyadda iyo ku tumashada xuquuqda haweenka reer Somaliland
iyada oo dhawr kii bilood ee u dambeeyey haween kala duwan lagu xidhay Gobollada dalka, kuwaas oo qaarkood jidh dil loo geystay.
Arrinta werwerka leh, waxa weeye in haweenkaas goob ku haboon oo lagu xidho aanay haysan, oo ay dhibaatooyinka kala kulmaan Saldhigyada ay ku xidhan yihiin, oo ah goobo aan ku haboonayn in lagu xidho.
Waxaan si gaar ah uga xunahay xadhigga sharci darada ah ee Xukuumadda wakhtigeedu dhamaaday kula kacday dadka dhalinyarada ah ee aad ka u da’yar ee Burco laga soo xidhay, waxaana si gaar ah u cambaaraynaa xadhigga sharci darada ah ee Inanta Nada Galow iyo weliba tacadiga iyo jidh dilka loo geystay ee ay sheegtay.
Arrimahan oo dhan waxay muujinaysaa sida Xukuumadda xilligeedu dhamaaday, ay hablihii Birmagaydaha ahaa ugu tumanayso xuquuqdooda, isla markaana ay jidh dilka ugu hayso.
Waxaan ku baaqaynaa in dhamaan dadka sharci darada ku xidhan ee Habluhu ku jiraan loo soo celiyo Xoriyadooda.”
May be an image of 1 person and standing