BEELAHA ISKU NOOSHA AH EE DEGA SOOL IYO SANAAG WAA INAY NABADDII MADAXWEYNUHU KU BAAQAY AY QAATAAN.
Waxa nasiib darro ah inay dagaallo ay maamulayso dawladda xasan shiikh oo lagaga soo horjeedo jirtaakooda laga dhex huriyo.
Waxa nasiib darro ah saldanaddii Warsangeli inay mashruuc kaga soo qaadatay xasan iyo dawlado kale inay dab geliso dadkeeda.
Waxa nasiib darro ah inay qaadeen dariiqii burburka ee ay qaateen garaaddada dhulbahante waxa habboon aqoonyahankii, cuqaashii, culimadii hartiga s. Land inay nabadda madaxweyne cirro ay qaataan intay taladu dhawday.
Waxa is dilayaa waa afar beelood oo walaalo ah dawladduna meel wacan ayay iska taagtay ee dadyoow colaadda joojiya, haddii laydiin kala baxo waad isku dhammaanaysaane nabadda qaata oo heshiiya.
MAHADSANID.
CABDI BACAW.
GUUL ALLE.
LONDON.