“ Anigu waxaan dhisayaa Cabdiraxmaan Cirro oo dhawaan madaxweyne noqon doona , Arab-na waxaan ku amrayaa inay Waddani dhistaan oo ay wax la yeeshan,”
Waxa sidaa yidhi Suldaan Barre Xaaji Xuseen oo ka mid ah salaaddiinta waaweyn ee Beelaha Arab.

Suldaanka ayaa hadalkan ka sheegay booqasho ay hoygiisa ugu tageen Musharraxa madaxweyne ee xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro iyo Gudoomiyaha xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xassan iyo madax wehelinayay.


Booqashadooda waxaa ku wehelinaayey siyaasiyiin culus oo ka soo jeeda Beesha Arab kana mid yahiin Gudoomiyihii hore ee Kominshanka Doorashooyinka C/Qaadir Iiman Warsame , Xildhibaan Hore Kijaandhe , Kominshineer hore Cabdiraxmaan Dixood , Cabdilaahi Cali Askar iyo masuulyiin kale oo ka tirsan xisbiga Waddani .

Ugu horeyn Suldaanka oo hadley waxuu uga mahadceliyey masuulyiintan booqashada ay gurigiisa ugu yimaadeen iyo ka war hayntii joogtada aheyd mudadii uu xaaladda Caafimaad ugu maqnaa dalka India .

Suldaanka oo ka mid ah salaadiinta ugu waa weyn Beesha Arab waxuu si cad ugu dhawaaqey maanta inuu dhisi doono Musharax Cabdiraxmaan Cirro

Musharax Cirro iyo Guddoomiye Xirsi oo madasha hadalo kooban ka yidhi ayaa waxaa ay suldaanka uga mahad celiyeen Taageerada