Beesha Celi Makaahiil ayaa maanta si rasmi ah u shaaciyay in ay ku soo biireen Xisbiga WADDANI.

Musharraxa madaxweyne kuxigeen Danjire Maxamed Cali Cabdi oo ay weheliyaan Afhayeenka xisbiga, Gudoomiyaha Garabka Dhalinyarada, Xoghayaha Dib u dajinta iyo Barakacayaasha iyo Gudoomiyaha xisbiga ee gobolka Awdal ayaa ku soo dhaweeyay, oday dhaqameedka, dhalinyarada, iyo Siyaasiyiinta oo uu horkacayo Cabdiraxmaan Ibraahim Cali oo iska casilay xubinimadii iyo xilkii Golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE.