Hargeysa(Qaran)-Beesha Kaliil Isaxaaq ayaa war saxaafadeed ay ku qabteen Hargeysa, waxay ku sheegeen in xalka khilaafka taagani yahay in la qabto doorashada madaxtooyada.

Beesha Kaliil Isaxaaq waxa ay madaxweynaha ku eedeeyeen ergo diid, waxaanay u soo jeediyeen inuu ergooyinka masaalixda dalka lagala hadlayo uu aqbalo.

Beeshu waxay intaas ku dareen in cidda kaliya ee afkooda ku hadli karaa ay tahay Guddida beelaha Garxajis, waxayna cambaareeyeen shir xukuumaddu soo abaabushay oo dhawaan ay iskugu yimaadeen dad sheeganayay beelaha Ciidagale iyo Isaxaaq oo ay caddeeyeen in aanay cidna metelin.

Waxa kaloo ay sheegeen in aan jilibo gaar ah oo ka tirsan Garxajis la odhan karin waxaanu ka ilaashanaynaa Hargeysa.