Biriijkan oo ku yaalla tuulada lafaruug oo u dhexaysa Berbera iyo Hargeysa ayaa waxyeello ka soo gaadhay roobabkii da’ayay shalay.
Biriijkan ayaa ka mid ah kuwa cusub ee Imaraadka Carabtu maalgeliyay kuwaas oo ka mid ah mashruuca weyn ee waddada Berbera Corridor oo la filaayay in si wanaagsan loo hubiyay tayadeeda.