
Biriijkan wadada Berbera ku yaala ee dumay dhamaadkii bishii 9aad ee sanadkan sidaad wada ogsoon tihiin wax talaabo ah oo dhanka hagaajintiisa loo qaado goobta kama muuqato.
Hadaba taasi maaha hadafka qoraalkan oo goortii miisaaniyad loo helo ayaa laga hawlgeli doonaa sidaan qabo.
Balse ujeedkaygu waxa weeye halista hadeer ku duugan iyo inaan baraarujiyo sidii khaladka loo sixi lahaa. Ayaan dhowayd oo aan soo maray aniga iyo kooxdii ila socotay ayaa khatar ku galnay. Runtii xawaare sare ayaanu ku soconay oo si Alle ayaanu ku baxsanay.
Halista aan hadaba meesha ku arkay ayaa ah:
Marka uu daloolka intaa leegi wadada ku dhexyaalo waxa caadi ah in dhanka ay baabuurtu ka imanayaan la dhigo calaamado si waadix ah u muuqda iyo carrotuul ilaa saddex jeer lays daba dhigay. Hadaba sida muuqata hayadii hawshaa lahayd may qaadin talaabadii saxda ahayd ee halista lagaga hortegi lahaa. Wax calaamad ah lama dhigin. Carrotuulkana halmar uun baa la dhigay masaafo 20 mitir aan ka badnayn godka u jirta. Kuwiina qoraalkan arkaya ee godka dhankiisa Berbera kaga yimid khatartaa inaad ila aragteen baa laga yabaa.
Hadaba waxa loo baahan yahay in hayada hawlaha jidadka inoo qaabilsani inay khatartaa degdeg wax uga qabato oo taxadarkii loo baahnaa oo dhamaystiran ay goobta ka fuliyaan si aanay cidina ugu waxyeeloobin. Qoraalkani toosin buu iga yahay ee sidaa haloo arko. Hana la gaadhsiiyo cidday khusayso.
Alle hayna badbaadiyo dhamaanteen.
Rashiid Awraali






