Boodhinka Dabayl Weyne oo Tababar u Qabtay Ciidanka Debdamiska
Hargeysa(Qaran news)-Boodhinka Dabaylweyne oo ku yaala Gobolka Saaxil ayaa ciidanka Dabdemisku tababar u qabtay iyo wacyigelin kana dhacay taliska guud ee ciidanka Dabdemiska.
Ardaydan ayaa la baray habka gaadiidka Dabdemisku u shaqeeyaan, isgaadhsiinta ciidanka iyo wacyigelin guud oo ku saabsan ka hortagga dabka.
Ardayda ayaa sidoo kale la kulmay Taliyaha Ciidanka Dabdemiska sareeye guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili halkaas oo taliyuhu ardayda kula wadaagay khibradiisa iyo aqoon guud oo ku saabsan dabka.
Dhankooda macalimiinta, maamulka, iyo ardayda ayaa halkaa ka mahadnaqay tababarkan iyo booqashadan ay maanta ardayda ku keeneen taliska ciidanka Dabdemiska.