Booliiska Somaliland waxa ay ku eeg yihiin saldhigyada. Ma dhex maraan magaalada si ay u ilaaliyaan ammaanka (police patrolling). Marka ay soo baxaanna, isgooysyada ayay is-taagaan ee meelaha dembiyada lagu geli karo ma tagaan. Booliisku maaha mid dadka xaafadaha deggan ku dhex jira oo ay is yaqaannin ee hadba gobol iyo degmo ayaa loo bedelaa. Dabadeed ma kala yaqaaniin Shiikha masaajidka tujiya iyo ka hore dembi u galay ee dhawr jeer la xidhay. Ma garan karaan Caasha oo dugsiga A u gasha oo edeb badan, iyo Cali ga qalqaaliga ah ee aalaa rabshad u joogga ah.
Booliisku dib u habayn buu u baahan yahay; in la daadejiyo oo la sameeyo booliis magaalo (city police) oo xaafadaha dadka degan laga qoro, ikhitsaaskooduna ku eeg yahay xaafad gaar ah. Booliisku waa inuu xagga amaanka guud hoos yimaddo duqa magaalada iyo guddoomiyayaasha degmooyinka ee aanu ku xidhnaan xukuumad dhexe iyo wasiir. Booliis sida ciidanka militeriga u samaysan oo taliyaha guud laga sugo shay walba looma baahna.
Garyaqaan Guuleed Dafac





