Booliska Ceerigaabo oo gacanta ku Dhigay Eedaysane Aabihii Dilay

Hargeysa(Qaran news)- Ciidamada Booliska JSL Qaybta Gobolka Sanaag ayaa gacanta ku soo dhigay Eedeysane Cabdiqaadir Maxamed Cabdi oo ku eedaysan inuu xalay Abbaarro 8:00 Habeenimo ku dilay Aabbihii Marxuum Maxamed Cabdi Nuur (Xamari) Magaalada Ceerigaabo. waxaanu ku dilay xabbad.

Hawlgal iyo dedaal dheeriya oo Ciidanku sameeyay ayuu ku soo qabtay eedaysanaha, waxaanu ku jiraa gacanta Ciidanka Booliska, iyadoo degdeg loo horgayn doonaa sharciga.

Taliska Ciidanka Boolisku wax uu bulshada Jamhuuriyadda Somaliland ugu baaqay inay ilaaliyaan nabadgalyada, waxii Amni darro wadana ka gacan siiyaan.