Booliska iyo Ibraahim Abees oo ka Hadlay Xadhiga Abwaankii qoray Buugii Mayal

Hargeysa(Qaran news)-Ciidanka Booliska Hargeysa ayaa xidhay Cabdiraxmaan Ibraahim Aadan (Cabdiraxmaan Abees).

Booliska Somaliland waxa ay sheeegeen in Cabdiraxmaan Abees uu ku xidhan yahay caasi waalidiin oo aabihii xeer ilaalinta warqad ka soo jartay.

Ibraahin Aadan Abees oo ah aabaha dhalay Cabdiraxmaan Abees oo dhawaan Hargeysa ku soo bandhigay buugga Mayal, ayaa sheegay in wiilkiisu tahay caasi waalidiin oo uu isagu xidhay.

Waxa kaloo uu intaas ku daray inuu yahay toddobaatan jir toddoba dawo qaata isla markaana aanu inankiisu maalin kaliya soo dul istaagin, isagoo Hargeysa ku qabtay shirar.

Wuxuu sheegay in aanay jirin dawlad xidhatay balse uu isagu xidhay isaguba sii dayn karo.