Cabdinaasir Muuse Dahable, oo u shaqaynaayay ICAO, kana hawl galaayay madaarka Muqdisho oo shalay lagu dilay xagaasi ayaa ciidanka Booliska ee Muqdisho ay dilka marxuumkaasi ay u qabteen Lix eedaysane.

Waxan ay Boolisku sheegeen in ay hayaan cadaymo muujinaaya in loo adeegsaday dilkiisa.

Waxana dadka reer Somaliland ee ku sugan magaalada Muqdisho la soo gudboonaatay cabsi xoogan iyada oo mudooyinkii ina soo dhaafayba la dareemaayay cabsiyo xoogan markii dhalinyaro badan iyo dad kaleba loo hanjabay, waxana mudooyinkiibu danbaysay Hargeysa ku soo badanaayay dadka ka soo guuraaya Muqdisho ee Hargeysa imanaaya iyo magaalooyinka kale ee Somaliland ee asal ahaan ka soo jeeday Somaliland.

Marxuum Cabdinaasir Muuse Dahable ayaa ka soo jeeda Somaliland, waxana ay dawlada Xasan Sheekh ugaadhsinku haysaa wixi aqoon iyo khibrad leh ee ka soo jeeda Somaliland, wana hada la sugayaa wixii baadhitaanka ay boolisku wadaan ka soo baxa.