Booliska oo ka hadlay Nin ku Dhintay Hargeysa
Hargeysa-Ciidamada Booliska JSL ayaa ka hawlgalay Alle ha naxariistee marxuum lagu magacaabi jiray Faarax Jimcaale Nuur oo maanta Abbaaro 11:00kii laydh ku dhegay , kaasi oo ka shaqaynaayay Huteelka Royal ee Masallaha , waxaana sababtay Bir laydh .
Ciidanka Booliska ayaa markiiba halkaasi ku tagay gurmad degdeg ah isagoo kaashanaaya Ciidamada dab-damiska JSL
Waxaanay Ciidanka Boolisku garahaan Hoggaanka Baadhista Dmabiyadu ku hawlanyahiin baadhid dheeraad ah.
Taliska Ciidanka Booliska JSL waxuu bulshada Somaliland u soo jeedinayaa inay taxadar badan ka muujiyaan Biraha laydhka iyo waxyaabaha naftooda iyo maalkooadaba dhibaataynaaya.