Booliska oo ka Hadlay siday ka Yeeleen Lacag laga helay gaadhi uu ninkii lahaa Dhintay

Hargeyda(Qaran news)-Ciidanka nabadgelyadda waddooyinka ayaa lacag dhan laba kun boqol iyo labaatan dollar iyo toban riyaal oo Itoobiyaan ah, ku wareejiyay ehelada marxuun ku geeriyooday shil gaadhi.
Sidoo kale ciidanka nabadgelyadu waxa ay intaas ku dareen in Marxuumka geeriyooday oo ka mid ahaa ganacsatada reer Somaliland sodonkii sano ee u danbeeyay, waxaanay xuseen in gaadhigiisu xafiis u ahaa, waxaaney mar kale ehelada marxuumka ku wareejiyeen dhammaan falalkii iyo waraaqihii laga ay ka soo saareen gaadhigiisa.

Geesta kale waxa ay bulshada ka codsadeen marka ay galayaan safarada in aanay qaadan hantidooda iyo wixii mihiima ee ay dhigaan meeshi ay ku xafidi karaan, maadama dadku geeri suga yihiin.

Gaba-gabadii waxa ay sheegeen ciidanka nabadgelyadda Somaliland in ay gacanta ku hayaan sababta keentay shilka uu ku geeriyooday Marxuumku.