Booliska oo soo Qabtay laba nin oo ku eedaysan dil
Hargeysa(Qaran news)-Ciidamada Booliska JSL ayaa gacanta ku soo dhigay Eedaysanayaasha kala ah
1- Cabdilaahi Aadan Cigaal Ina Safiya Xasan 20 jir ah
2- Cabdiqani Kayse Hayaan ina Aamina Saleebaan 25jir ah ,
kuwaasi oo ku eedaysan inay dileen 8-5-2024 kii Marxuum Mustafe Cali Xasan ,Dilkaasi oo ka dhacay Deegaanka Cadow-yuurara ee Koofurta Magaalada Burco ee Gobolka Togdheer.
Hawlgal iyo dedaal dheeriya oo ay sameeyeen Ciidanka Booliska JSL gaar ahaan qaybta Gobalka Togdheer iyagoo kaashanaya dadweynaha Deegaankaasi, ayaa saaka Abbaaro 10:00 Subaxnimo lagu qabtay deegaanka Naq-dhibiijo ee hawdka Magaalada Burco.
Waxaana dhammaantood eedaysanayaashaa degdeg loo horgayn doonaa Hay’addaha garsoorka JSL Marka baadhistu dhammaato.