Boqor Buur Madow oo ka Hadlay Dagaalka iyo Xidhiidh uu la sameeyay Isimada Sool

Hargeysa(Qaran news)- Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur-madow ayaa sheegay Muuse Biixi dalka uu u horseeday burbur iyo tafaraaruq isla markaana xalka kaliya ee dalka ka jiraa yahay isbeddel maamul.

Boqor Buur-madow wuxuu sheegay inuu la xidhiidhsy isimada Sool oo ay ka wada hadleen in dagaalku u dhexeeyay Somaliland iyo Maamulkooda, loogana baahan yahay in aanay waxyeelo iyo dagaal ula iman beelaha ay oodwadaagta yihiin ee Habarjeclo iyo Habaryoonis isla markaana ay aqbaleen oo aanay wax weerar ah ku soo qaadaynin deegaannada beelaha la jaarka ah.

Waxaanu uga mahadceliyay sida gobanimada ah ee ay u hayaan dhaawicii iyo maxaabiistii maanta laga qabtay Ciidammada Qaranka Somaliland.

Boqor Buur-madow waxa kaloo uu intaas ku daray inuu la hadlay guddigii ergada ahaa ee beelaha Habarjeclo oo uu ku wargeliyay inay tallaabo qaadaan oo ay madaxweyne Muuse dalka ka qabtaan haddii la doonayo in la badbaadiyo Somaliland beelaha iskugu soo hadhay oo uu sheegay inay kala tagi doonaan haddii dalka aan laga qaban Muuse Biixi.

Buurmadow wuxuu sheegay in taladii guracnayd ee Muuse Biixi ay sababtay in wadajirkii ummadda Somaliland meesha ka baxday; wuxuuna ku eedeeyay inuu shirqoolay ciudankiisii.