Bulshada Sallaxley oo lagala tashaday adeegyada horumarinta deegaanka

Hargeysa(Qaran news)-Kulanka Wadatashiga Bulshada Sallaxley

Mayirka Degmada Sallaxley waxa uu kulan La-tashi u furay Bulshada degmada si ay qayb uga noqdaan Qorshaha Sannadka 2024.

Qaybaha Kala duwan ee bulshada Sallaxley waxay u fadhiisteen ururinta iyo soo badhitaanka baahiyaha bulshada ee mudnaanta leh, Sida Caafimaadka, Waxbarashada, Kabaayasha dhaqaalaha, sida waddooyinka iyo Biyaha, Beeraha, Xoolaha, Deegaanka iyo Nabadgalyada.

La-tashiga Bulshadu waxa uu gundhig u yahay geedi socodka horumarka bulshada, waxanu bulshada awood u siinayaa inay qeexaan soona bandhigaan baahiyooda dhabta.
Ugu dambayn dadwaynihii kulanka ka qaybgalay waxay soo bandhigeen baahiyahooda mudnaanta u leh, iyagoo u shaqeeyay si kooxo kooxo ah.

Dawlada Hoose ee Degmada Salaxley waxay ahmiyad gaar ah siinaysaa wada-tashiga bulshada iyo baahiyaha mudnaanta leh ka yimaada dhanka bulshada, si ay ugu lug-yeeshaan dejinta iyo hirgelinta barnaamijyada iyo adeegyada iyaga saameey.