Dhawrkii todobaad ee ina soo dhaafay waxa aynu daawanaynay dagaalka iyo buuqa ka dhex oognaa madaxda xisbiga Kulmiye oo ay kow ka ahaayeen madaxweynahii hore Muuse Biixi Cabdi iyo wasiirkiisii hore ee arimaha gudaha ahna gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed.

Dagaalka iyo buuqa baryahan u dhaxeeyay madaxda xisbiga Kulmiye waxa ay sababtay in xubno mihiim ah oo xilal ka hayay xisbiga Kulmiye ay isaga baxaan xisbigaasi isla.markaasina ay si toos ah ugu biireen xisbi xaakimka Waddani kwaasi oo ka soo kala jeeday gobolka Maroodi jeex,Togdheer, Saaxil iyo gobolka Sanaag kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen Badhisaab ku xigeenkii gobolka Sanaag iyo Moyarka magaaladda Berbera iyo xubmo aad u mihiim ahaa oo ka soo jeeda gobolka Maroodijeex siiba caasimada Hargeisa.

Hadaba dadka hada isu soo baxayaa ama buuqa abuurayaaa waa taageerayaashii xisbigga Kulmiye iyo madaxdiisii qaarkood oo burburka xisbigaasi kula gal galanaaya Dawladda si dhibka ka tagan xisbiga Kulmiye gudihiisa cid kale fooda loogu saaro.

Arinka hada taagani uu ka balaadhanyahay Muuse Biixi ayaa taageerayaal la socday loo diiday in madaarka gudaha ula galaan oo kadib waxa ay isku dhaceen booliskii ilaalinaayay madaarka.

Hadaba waxa la gudboon xisbiga Kulmiye intooda isku soo hadĥay in ay xisbiga badbaadiyaan isla markaasna taageerayaashooda xaqiiqda u sheegaan idla markaasna ay aqbalaan xaqiiqda dhabta ah ee dalka taala oo ah walaanimo’ wada dhalasho iyo muwaadinimo.

Hore waxa hawada uga baxay oo la waayay xisbigii UDUB iyo sidoo kale xisbigii UCID- Midkoodna wax dhib ah kagama uu tagin dalka iyo xukumadii uu hogaamin jitay xisbiga maanta loo tuhunsanyahay in uu dalka qasaayo ee Kulmiye

La soco qaybta labaad