Murrashax Cirro oo bogaadiyay kooxda Burco ee ku guulaysatay Horyaalka Somaliland

Hargeysa(Qaran news) Murrashax Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa bogaadiyay kooxda dawladda hoose ee Burco oo noqotay Horyaalka Somaliland.

Waxaanu yidhi “Waxa aan hambalyo iyo bogaadin weyn u dirayaa si kal iyo laab leh Kooxda kubadda cagta ee Dawladda Hoose ee Burco oo galabta si xarrago leh ugu guuleystay Koobka horyaalka horyaallada Jamhuuriyadda Somaliland oo ka soconayey muddoonyinkii u dambeeyey magaalada Berbera.
“ Burco waxa ay ku taallaa
Xiddida tin iyo cidhib
Tabinaaya dhiiggee”

Hambalyo hanadadii Burcaawiyiinta ee Alamsaawiyiinta ahaa!”