Bushaaro Baandey oo Maxkamadda Hargeysa gudogashay Dacwadeeda

Hargeysa(Qaran news)- Maxkamadda gobolka Maroodijeex ayaa maanta dhegaysatay dacwada loo haysto Weriye Bushaaro Cali Baandey oo la xidjay 15kii May.

Fadhigii maxkamadda oo ay goobjoog ka ahaayeen nadaxa xafiiska Ingiriiska u fadhida Hargeysa, Ehelada Suxufiyadda iyo Weriyeyaal u ololaynayey sii daynteeda, waxa Maxkamaddu ay dhegaysatay dacwadaha loo haysto oo ay ka mid tahay inay warar been abuur ah ka faafisay Somaliland, taasi oo Suxufiyaduna beenisay.

Fadhiga kan xiga lama muddayn xilliguu noqonayo, iyadoo kiiskeedu jiitamay oo ma xkamaduna ay shan jeer oo hore xalaalaysay xabsi ku haynta sufiyadan oo fadhigeedu yahay Ingiriiska oo xukuumadda Somaliland u haysato dacwado kala duwan oo qaarkood ay kala mid tahay 5 suxufi oo kale oo qurbojoog ah oo maxkamadu hore u jidaysay in la xidho haddii ay dalka yimaadaan.