Cabdi Xaashi Iyo Faratoon Waa Isku Mid, Oo Deegaankiisa Ma Matali Karo, Mana Tagi Karo.
Qore:- Xoghayaha Guud Xisbiga Waddani Khadar Xuseen.
” Kama ilbaxno siyaasad been iyo eex ku dhisan. Mar keliya kuma kala baydhno in Cabdi Xaashi aanu innagu metelin kursiga Soomaaliya iyo joogitaankiisa Xamar, haddana nin Hargeysa jooga oo aan gobalkiisa tegi karin, dadkiisuna halka Cabdi Xaashi ka taaganyihiin, ayeynu habeen iyo maalin ku andacoonaynaa in guddoonka wakiillada uu gobalkiisa ku meteli doono.
Mar uun caqligu ha inna shaqeeyo oo aynnu liqno runta ah in Laascaanood aanay maanta u baahnayn xil aan waxba u goyn, balse ay baahi u qabto ciidamada oo laga dulqaado iyo nabadda oo fursad la siiyo.
Maanta reer Awdal baa innaga baryaya aynnu wada lahaanno dawladnimada ee iyaga ha lagu dhiso guddoonka wakiillada oo innooma muuqato in reer keliyi wada hayaan xilal madaxweyne, guurti iyo maxkamad ee, yaanay indhaheennu qaban madaxweyne ku xigeen aynnu awooddiisa dastuuriga ah ognahay. Markaasaynu Laascaanoodna wada raadin karnaa, wada lahaanshiyaha aynnu la rabanana tusaale ka siin karnaa.”