Cabdicasiis Maxamed Samaale: Qaranimada Somaliland, Midnimada Shacabka iyo Mustaqbalka Hoggaaminta Dalka
Cabdicasiis Maxamed Samaale, Guddoomiye Ku-xigeenka Xisbiga KULMIYE, ayaa si muuqata uga dhex muuqday siyaasiyiinta sida joogtada ah uga hadla difaaca aqoonsiga caalamiga ah, madax-bannaanida iyo qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland.
Mawqifkiisa ku aaddan ilaalinta midnimada, wadajirka shacabka iyo danaha qaranka ayaa soo jiitay taageero iyo xiise siyaasadeed oo ballaadhan, gaar ahaan dadka muhiimadda siiya hoggaan leh aragti qaran iyo mowqif cad.
Waxaa sidoo kale ila soo xidhiidhay tiro ka mid ah aqoonyahanka, siyaasiyiinta iyo haldoorka bulshada, kuwaas oo si kalsooni leh u muujiyey aragtidooda ah in Cabdicasiis Maxamed Samaale leeyahay fursad uu mustaqbalka ugu tartami karo xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.
Aragtiyahaas ayaa muujinaya sida ay qayb ka mid ah bulshada iyo haldoorka siyaasadeed u qiimaynayaan doorkiisa, waayo-aragnimadiisa iyo mustaqbalkiisa hoggaamineed.
Cabdicasiis Maxamed Samaale waxa uu maanta ka mid yahay siyaasiyiinta ay mudan tahay in si dhow loola socdo doorkooda ku aaddan qaranimada, midnimada iyo jihada siyaasadeed ee mustaqbalka Somaliland.
Suldaan Cabdikariim Faarax Dagaal
Waayo-Arag & Waayaha Maanta | Voice of Horn





