Golaha Wakiillada oo Diiday in Xilka Laga Qaado Xubintii Komishanka ee WADDANI
Hargeysa(Qaran news)-Golaha Wakiillada Somaliland ayaa diiday in xilka laga qaado komishneer Cabdicasiis Xirsi Warsame oo Koomishaanka Doorashooyinka ku ee deeyeen in aanay la shaqayn karin oo ay usoo soo gudbiyeen Madaxweynaha.
Xubintan oo guddida ku meteli jirtay xisbiga Waddani ayaa hore madaxweyne Biixi, ugu eedeeyay in uu la shaqayn kari waayay guddida Doorashooyinka.
Taas oo keeni doonta in uu sii jiitamo khilaafka u dhaxeeya xubnaha Koomishanka Doorashooyinka qaranka iyo komishneer Cabdicasiis Xirsi Warsame oo ay ku edeeyeen in aanay la shaqayn karin.