Waxa uu ahaa halgamaa reer Jabuuti iyadoo aabahiina ay Faransiisku u tarxiileen magaalada Hargeysa halkaasi oo ku dhintay markii danbe

XIGASHADA SAWIRKA,CABDIRAXMAAN CADHOOLE

Qoraalka sawirka,Waxa uu ahaa halgamaa reer Jabuuti iyadoo aabahiina ay Faransiisku u tarxiileen magaalada Hargeysa halkaasi oo ku dhintay markii danbe.

Faransiiska wuxuu qabsaday dekedda Obock.1862 iyadoo 1888 halkaasi uu ka bilowday maamulkii gumeystihii Faransiiska ee dalka Jabuuti ka hirgala, waxay soo socotaba oo marxalado kala duwan la soo maraba waxa ay Jabuuti xorriyadeeda ka qaadatay gumaysatahii Faransiiska 1977-kii

 

 

CABDIRAXMAAN CADHOOLE

Qoraalka sawirka,Waxaayabaha wali lagau xasuusto halagandii dadka reer Jabuuti waxaa ka midda sidii arxandarda aheeyd ee loo dilay Cabdiraxmaan Cadhoole.

Sidii arxandarrada aheeyd ee loo dilay Halgamaa Cabdiraxmaan Cadhoole

Waxaayabaha wali lagu xasuusto halaganadii dadka reer Jabuuti waxaa ka mid ah sidii arxandarrada ahayd ee loo dilay Cabdiraxmaan Cadhoole.

“Markii xaaladdu kacsanayd Jabuuti ee aftida la qaadayey ayaa odyaashii halganku qaar kamidi aabahay u yimaadeen oo ku yidhaadeen ina keen degmadada Cali Sabeex ayeeynu tagaynaa, haddii aynu helana waynu joogi haddii kalena Soomaaliya ayeeynu halkaasi ka galaynaa, aabahay wuu diiday wuxuu ku yidhi magaalada Jabuuti kama baxayo, waan xusuustaa quracdii u danbeeysay aabahay anaa la cunay, gurigaa duhurkii loogu yimi oo ciidmadda faransiisku ka qafaasheen, xeradda Militriga ayeey geeyeen, halkaasi oo dad goob jooge ahaa ku arkeen isagoo la jidh dilayo…

“Aabahay meydkiisii ayaa cusbitaalka weyn e Jabuuti ay kusoo tureen, iyadoo labada indhoodba laga saaray, carrabkana wax la yeelay, 3 jeer ayaa kafanta laga badalay meel walba dhiig ayaa ka socday , anagu waxaanu u haysanaa in aabayaho jannadii tagay oo gacan ka xaqdarani ay dishay,’’ ayuu yiri Jaamac Cabdiraxmaan.

Xorriyadda Jabuuti dad badan ayaa kasoo qayb gaatay lakiin dilkii arxandarrda ahaa ee gumaysiga Faransiisku u geeysteen Cabdiraxaamn Jaamac Cadhoole ayaa wuxuu yahay mid ku suntan

Bbcsomali