Alle ha u raxmadee waxaa xalay magaalada Hargeysa ku geeriyooday Cabdirisaaq Xaaji Maxamed Siraad oo ka mid ahaa weriyeyaashii ugu waqtiga dheeraa ee ka soo shaqeeya BBC laanteeda ku hadasha Afka Soomaaliga.
Cabdirisaaq ayaa la sheegay in galabta bacdal casar lagu aasayo xabaalaha Dariiqada ee ku yaalla magaalada Sheekh halkaas oo ah meeshii uu ku dhashay.
Wuxuu BBC Somali la shaqeynayay muddo qiyaastii dhan 50 sano, sida uu BBC-da u sheegay weriyihii hore ee laanta uga soo warrami jiray Hargeysa Axmed Siciid Cige.
Axmed Siciid oo ay isla soo shaqeeyeen marxuumka isla markaana ay si gaar ah saaxiibbo u ahaayeen ayaa BBC-da uga warramay taariikhda marxuumka.
Cabdirisaaq waxa uu ku dhashay magaalada Sheekh oo ka tirsan gobolka Saaxil ee jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madxa-bannaanida ee Somaliland sanadkii 1947. Heerarkiisa kala duwan ee waxbarashada ayuu ku qaatay magaalada Hargeysa.
Bishii September sanadkii 1969 ayuu heerka sare ee waxbarashada jaamacadda u aaday dalka Ingiriiska, waxa uuna bartay culuumta kimistariga.
Cabdirisaaq waxa uu ahaa nin furfuran oo kaftan badan, dadka la soo shaqeeyay ayaana ku ammaanay howlkarnimo, hadalyari, shaqo yaqaan iyo waayo aragnimo, sida uu Axmed sheegay.
Marxuumka ayaa ka soo jeeday qoys caan ku ah fidinta diinta waxa ayna goobo diinta lagu faafiyo ku lahaayeen magaalada uu ku dhashay ee Sheekh.
Sidoo kale qoyskiisu waxa ay door ku leeyihiin oo lagu yaqaan siyaasadda iyo dhaqanka waana kuwo caan ka ah deegaannada Somaliland
Qaar kamid ah dadkii la soo shaqeeyay ayaa ka tacsiyeeyay geerida Cabdirisaaq oo inta badan lagu yaqaannay war-akhrinta.
Maxamed Cabdullaahi oo tifaftire ka soo noqday laanta Af-Soomaaliga ee BBC sanadihii 1993 ilaa 2000, ayaa ugu horrayn ehellada iyo qaraabada uga tacsiyeeyay geerida marxuum Cabdirisaaq waxa uuna sheegay inay ahaayeen saaxiibbo isku dhaw oo shaqo wadaag ah ayna is barteen sanadkii 1986.
“Cabdirisaaq waxa uu ahaa nin hadal gaaban oo muusoonaya, shaqadiisana ka soo baxa marka uusan shaqo lahayn gurigiisa ayuu ku koobnaa, waxa uuna ahaa nin yaqaan dhaqanka Ingiriiska sidoo kalena lahaa saaxiibbo badan,” ayuu yiri.
Dhanka kale waxa uu xusay inuu ahaa wariye cod daggan oo war akhrintiisa la jecel yahay, si fiicanna u yaqaannay wararka la xiriira cayaaraha.
“Muddadii aan ahaa madaxa Laanta Af-Soomaaliga BBC, Cabdirisaaq waxa aan u xilsaaray tabinta wararka la xiriira cayaaraha maaddaama uu aad u yaqaannay qeybaha kala duwan ee cayaaraha si gaar ah cayaaraha Ingiriiska,” ayuu yiri tifaftirihii hore.
Sidoo kale Yuusuf Garaad oo isna ahaa tifaftirhii hore ee Laanta Af-Soomaaliga ee BBC ayaa ka tacsiyeeyay geerida marxuum Cabdirisaaq. Qoraal dheer oo uu ku daabacay bartiisa Facebook ayuu uga hadlay aqoontii uu u lahaa iyo muddadii ay wada shaqeeyeen.
“Wuxuu ahaa waayo arag deggan, akhyaar ah oo afkiisa laga nabadgalo, dadka ugu wanaagsan ee lala shaqeeyo ayuu ahaa.” Ayuu qoraalkiisa ku yiri Yuusuf Garaad.
“Waa qofka ugu muddada dheer ee ka shaqeeya BBC Somali, waxa uuna ahaa nin taariikh leh oo dadka Soomaaliyeed aad u yaqaaneen,” ayuu BBC u sheegay Axmed Saciid.
Waxa uu xusay in markii uu waxbarashada u tagay London oo uu muddo kooban joogay uu ku biiray BBC-da Laanteeda afka Soomaaliga ah, sidaasna uu muddo dheer uga shaqaynayay.
Cabdirisaaq ayaa ifka uga tagay saddex carruur ah oo labo ay hablo yihiin midna uu wiil yahay, xaaskiisii oo lagu magacaabayay Luul Maxamed Saalax ayaa iyana sanadkii 2006 ku geeriyootay magaalada London.
Bbcsomali