Cali Guray oo ka Digay Mustaqbalka Somaliland
Hargeysa(Qaran)- siyaasiga Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) ayaa sheegay in mustaqbalka Somaliland meel xun ku sii socdo.
Wuxuu sidaas ku sheegay fariin uu caawa ku daabacay Bartiisa Facebook, waxaanu yidhi
“Somaliland haddii sidan ay ku sii socoto doorasho ka dhacda daaye waxay halis u tahay “dhan walba ha lagu qado eh dheglay ku shub” iyo dagaal wada saamayn kara. Sidaa marka ay tahay ka kursiga ku fadhiyaa ku xukumi maayo qori caaradii ka doonayaana ku qabsan maayo qori Caaradii.
Markaa halka ay ku socoto nin rag ah baa garan kara nacasna loo sheegi maayo.”
“Doorashadii Muuse Biixiba malaha waxay ahayd bilawgii dhamaadka Somaliland, sidii aan hore u sii saadaliyay wakhti hore. Ta Alleh ayaanay noqon ee tu kala noqon mayso” ayuu yidhi Cali Guray.