Cali Guray oo Odorasay Kaalinta Ururrada Prof. Samatar iyo Dirawal ka Geli Karaan Hirdanka Doorashooyinka
Hargeysa(Qaran news)- Siyaasiga Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray), ayaa ka faallooday mustaqbalka Urur siyaasadeedyada Hilaac iyo Horseed ee ay kala hoggaamiyaan Prof. Axmed Ismaaciil Samatar iyo Cabdilaahi Xuseen Iimaan (Dirawal).
Cali Guray wuxuu saadaal ka bixiyay labadaas urur ee diidan isa saarka doorashadu waxa ay ka mudan karaan doorashooyinka, wuxuuna qoraalkiisu u dhignaa sudan:-
“MUXUU SAMEEYAA NINKA HANGOOL FIICAN ARKA IN UU GOOSTANA JECEL BALSE GANTADIINA GEED KAGA TAALO FARAARIHIINA GEED KALE? WAA XAALADDA SAAXIIBKAY CABDILLAHI IYO PROF SAMATAR HAYSATA
Doorasho waxa lagu geli karaa keliya Xeer Baarlaman oo dhaqangal ah.
Xeerkiina waa kan la wado inta badan saamlayduna ay Isla ogol yihiin.
Ninka Musharrax Madaxwayne doonayaa marka hore xaq buu u leeyahay. Balse waxa ka horaysa in Ururkiisu tartan la galo Xisbiyada iyo Ururrada kale kuna guulaysto in uu u gudbo Xisbi Qaran.
Fursadaana Waxa heli kara urur keliya ama ugu badnaan laba Urur. Haddii nidaamka Doorashadu noqon lahaa saddexda ugu codka bataa tirada guud ee codbixinta taasi laga yaabaa in fursad ay u noqon lahayd Prof Samater (Hilaac) oo Codka uu ka heli karo Awdal Iyo Maroodi Jeex oo keli ahi ay ka badan lahayd Urur kale Inta uu ka helo Afar Gobol iyo ka badan.
Hilaac mar kasta haddii laba Urur ay Xisbiyo u Gudbi karaan Waa hubaal in mid uu isaga noqon karo. Haddii WADDANI Iyo KULMIYE ay xejistaan xisbinimadooda markaa hal Urur oo keliya ayaa laga yaabaa in uu Beddeli karo Xisbiga Saddexaad ee UCID.
Cabdillahi Darawal Haddii ay doorashada Madaxtooyadu soo horayn lahayd oo ka dib ta Ururrada la qaban lahaa Rejediisu way dhaami lahayd sida hadda ay tahay. Xataa Haddii Ta Ururrada ee ay kaga dhegtay la soo horaysiiyo rejediisu may dhaanteen sida ay hadda tahay. Mar kasta waxa ka horaynaya laba xisbi iyo Laba Urur.
Sida ay hadda Xaaladda Somaliland tahay wixii inta badani isla ogoshahay iyo Xeerka Doorashooyinka loo wada hoggaansamo ayuun baa wax xal la odhan karo jira. Xal Kale ma jiro ee Waxba yaanay ka Warwareegin lama huraan waa Caws Jiilaal Baa La Yidhi.”