Cali Guray oo Qaraar sax ku Tilmaamay Go’aanka Maxkamadda sare

Hargeysa(Qaran news)-Siyaasiga Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) ayaa sheegay inay sax yahay qaraarka maxkamaddu.

Wuxuu sidaas ku sheegay qoraal uu soo saaray oo lagu baahiyay facebook, waxaanu u dhignaa sidan:

“SIDAASUU SAX KU YAHAY. SAW MAAHA?
Qaraarka Maxkamada Sare Wuxu Laalay Keliya Firqadaha 5aad Iyo 6aad Ee Xeer Lam. 91 Oo U Dhignaa Sidan:

5. Haddii laba xisbi/urur ama in ka badan ay si walba isu le’ekaadaan tiro iyo boqollay ahaan oo ay ku kala bixi waayaan hannaanka ku cad faqradaha 1 illaa 4 ee qodobkan, waxa u kala codaynaya xisbiyada/ururrada is le’ekaaday labada Gole ee Barlamaanka oo yeesha fadhi wada jir ah oo uu guddoomiyo Guddoomiyaha Guurtidu.
6. Codeynta ku xusan faqradda 6aad ee qodobkan, waxa
maamulaya Komishanka Doorashooyinka iyada oo noqonaysa codayn qarsoodi ah (secret ballot).
Xeer Lambar 14 Qaraarka Maxkamaddu Waxba Kama Taabanayo. Sidaasuu Sax Ku Yahay Saw Maaha? Anigana Way Ila Tahay. SHIB DHEH HADABA